Quantcast
Channel: qaraami – Masuul
Viewing all 46 articles
Browse latest View live

Waa inoo aroos wacan


Xeer miyaa

Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beere

$
0
0
Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree way dhici lahaayeen Dhismahooda weeyee Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree way dhici lahaayeen Dhismahooda weeyee Kii dhaba jaceylkuna halkii kama dhaqaaqo dhidibaa u aasan Kii dhaba jaceylkuna halkii kama dhaqaaqo dhidibaa u aasan waa sida dhinuu yahay intuu laarig isaga dagay dhaxda loogu maraayo dhaqso uga baxaayee dhaqso […]

Sadax waa jin la ogyahay

Alam dheh

Caqliga kaasha baa la yari

$
0
0
Awoy Maalinbaa La Yidhi Cadoy Gudcur Baa La Yidhi Cidloy Wehel Baa La Yidhi Amaanadu Waa Culeys Cirka Iyo Dhulku Diidayoo Carona Waxa La Yidhi Mugeed Dawada Cashaqan I Heley Cidkale Loo Doonimaayo Cilmiga Ha Laguu Dhigee Caqliga Kaasho Baaa La Yidhi Repeat-1 Cod Iyo Jiib Baa La Yidhi Jaan Iyo Cidhib Baa La Yidhi […]

Bal aan hoodo sheegto

Guusha


Jaceyl

Mowlihii na uumaa

Talo igu guracntee

Waa dhintaa waa dheelmadaa

Ii dhameey Alahayow

Nin Samir badan

Bartaad igaaga taallee

$
0
0
SAADO CALI WARSAME Bartaad igaaga taallee bar kale dawayneyn mid bogsiin haddaad tahay axdiguna bir kula yahay ballantii aan dhigannaba waligaa ha beenayn barashadii kalgacalkuna bilaash yaanay kula noqon Marse haddaan barbaartii Baxsanoow daraaddaa uga soo bannaan baxay cidla haygu baylin CABDI SALAAD AADAN “BEER-DILLAACSHE” Badbaaddadii naftaydaay farxaddaan is barannaay niyad lagugu beeraa soo booqo […]

Jeeb maran

$
0
0
Weli jaceeyl Yuu ku ciiliyoo Intuu jar iyo buuriyo Jiro dheer karaariyay Jeexiisa dhaxmariyoo Markuu joogo Meel dhaxe Asigoon dhana jirin Hurdada Kala jabay Anuu iga jid helayee Iyo jaar igu xeray adag Alahayoow nin jeeb maran Ka jeerjeerto xaajadu Caawinaadu jecelaa Weligay intaan jiray Ee joogay maan arag Nin habeen jilaabtay oo nabad ku […]

Abaadiroo

$
0
0

Olol reenka caashaqa
igu helay aduunee
ulashadda kalgacalkee
uur nibiri iga galay
ambabaxa talaabada
anigoon itaal hayn
naftu orodka raacdada
waxay aamin igu tidhi
saw aragtideedii
indhuhu dooni maayaan
ana saw ugubka iga maqan
eegi maayee
ururkiisa qaadkaa
sheekhii alkumayoow
aabaadiroow
soo ururi caashaqa
ooha ooha ooha ooha

indheer garad waxa jira
talo looga aayee
waa oday ka sheekee
abataqa gunteediyo
af libaax jacayl galay
waana uur ku taalee
hudhudkii il duufee
eedeeyay nabi sulaymaan
saw ma odhan ilaalaan
ku maqnaa ayaamahan
ana saw amaanada
maqan eegi maayee
baadidii ayaa maqan
sheekhii loo irkanayoow
aabaadiroow
soo ururi caashaqa
ooha ooha ooha ooha

eri dhabanka geeluba
goortuu ilmaha tabo
halkii lagu oodiyo
isagon rugtii iman
afka baad ma galin karo
ololkana ma daayee
gudcur ooda soo rogay
kaymaha ugbaadka lleh
saw jawharad iftiintaa
masku kuma ugaadhsado
ana saw itaal iyo nasiib
eersan maayee
biyo idam illaahay
iidaan kii ka dhigayoow
abaadiroow
soo ururi caashaqa
ooha ooha ooha

Lyrics by Ismail Ahmed

Cinda nuuriyaa

Guuleed ma joogaa

$
0
0

Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faallaley
Oon himilo gaariyo
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacy
Sida goonni daaq cawl
Gaaf meeray socodkii
Oon guudka laaniyo
Millilicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub midha guduuttiyo
Gad gaddoonka raamuhu
Dhexda geri garaaraha
Hadba gees u liicaan
Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu goyn karin
Oon xididka gaarrani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu’la waayey aragoo
Gunta rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Hadhka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyiin
Oo meel gabboodiyo
Saba guri ku yaalloo
Leexa is galaashiyo
Ufta garannug kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin
Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuustiyo
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabar
Mase garanayee talo!
Guurti yaa mari laa?
Goob xarashada yaa
Isagoon gilgila sugin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogo tiraabtee
Googaala badanaa
Gudbi weydey socodkee
Ma god baa horteeda ah?
Inan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Geesi waaya aragii
Danti kama guddoomee
Sow ardaaga gurigeed
Gaashaanka maan dhigan
Sow ereya googo’an
Gooli baadh kumaan oran
Guuleed ma joogaa?
Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirri geliniyo
Googaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol iima soo dhigin
Haasaawe guud oo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aannu libin ka gaarnaa
Goobtaa kamuu dhalan
Laxawgaaa guntamey iyo
Badhaxaa kasoo go’ay
Qalbigii gudhnaayee
Irmaanaaday galabtaa
Gacma furan dhankaygee
Daallo geedeheedii
Gani aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu ganeeyaan
Kuu geliyey qoortee
Deeq gacal ah weeyee
Gobaad waxaad ku geysaa
Boholyow aan qof ii gelin
Geddii aan ku noolaa
Giijiyoo xishoodkana
Addiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ga GODLADEY ha gaagixineey
Ka godladey ha gaagixin

Hees muuqa aan

$
0
0

kuwa loogu magac daray
muuqa aan la kalagaran
caku muhashodoodiyo
heesaha macaaniyo
misiigiyo codkay idilay
dhagaha aan ka maalee
marka aan ilaawee
wax isoo mirkiciyoo
maqla waayi maayee
ma hayoo mana sugaayo
iimana maqnee
maareeyoo sideebuu
xishqigu maskaxdiyo
qalbiga uga miirmayaa

kalgacaylkan igu mudan
mal hadii aan siiyoo
oon macawiis iyo shaal
dhar ku muunadeeyoo
maamuuso sooroo
oo aan u mahadnaqo
marka socod idhaahdoo
talaw may iga tagayaa
ma hayyoo mana sugaayo
iimana maqnee
maareeyoo sideebuu
cishqigu maskaxdiyoo
qalbiga uga miirmayaa

mawdka waad ku samirtaaye
mayada waad ku dharagtaaye
murankuna sad weeyee
isha milicsigeediyo
maalin aragna waa dane
mashaqo waa tanoo kale
iyo murugo ciilkeed
wixii meel fog kaa jira
uu maanku raacee
mahayoo mana sugaayo
iimana maqnee
maareeyoo sideebuu
cishigu maskaxdiyo
qalbiga uga miirmayaa

Viewing all 46 articles
Browse latest View live